Overview

Dowladda Hoose ee Garowe waxay ku dhisantahay dastuurka dowladda Puntland. Waxayna ku shaqaysaa xeerka maamulka gobolada, degmooyinka iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka dawladda Puntland. Dowladda Hoose ee Garowe waxay masuul ka tahay siinta adeegyada loo igmaday ee dadka ku dhaqan deegaanka xuduudeeda ah, adegyadaas oo ay jaangooyeen golaha deegaanka ama ka yimid dowladda dhexe ee Puntland.

Waxaa kamid ah kuwa ugu waaweyn qorshaynta iyo naqshadaynta magaalada, arimaha bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka asaasiga ah, howlaha guud, ilaalinta deegaanka waxaa sidoo kale soo raaca hormarinta iyo dhiirigalinta beeraha, xoolaha, ganacsiga, warshadaha, dalxiiska iyo duurjoogta, iyo adeegyada kale ee bulshada.

Dawladda waxaa ka banaan dhowr boos oo aad hoos ku akhrisan doonto Tixraacooda (TORs): Qofka buuxiyey sharuudahan shaqo wuxuu kusoo diri karaa CV-giisa oo wata ugu yaraab saddex qof oo tixraac ah (references), codsigiisa iyo araajidiisaa shaqo cinwaanka hr.garowemunicipality@gmail.com ama arjiga oo daabacan ayuu wuxuu keenikarayaa xafiiska xoghaynta guddoomiyaha Dowladda Hoose ee Garoowe ugu danabayn 31/10/2019(12:00 PM- duhurnimo)

Hoos kala soo deg xogto Jagooyinka banaan:

  1. AGAASIMAHA WAAXDA ARIMAHA BULSHADA
  2. AGAASIMAHA WAAXDA DAKHLIGA IYO CANSHUURAHA
  3. AGAASIMAHA WAAXDA HOWLAHA GUUD IYO DHULKA
  4. AGAASIMAHA WAAXDA MAAMULKA IYO MAALIYADDA
  5. AGAASIMAHA WAAXDA QORSHAYNTA, KORMEERKA IYO DABAGALKA
  6. HANTIDHOWRKA GUDAHA

Shaqooyinkaan hadaysan kugu haboonayn kuwo kale halkaan ka akhriso, booqo webka www.sea.so ama bogga Puntland ee webkaan booqo: http://sea.so/job-region/puntland/

Ama Waxaad akhrinkartaa Tenderskii ugu dambeeyey:

  1. Tenders (2) – Invitation to two (2) Tenders posted by Tadamun Social Society (TASS)https://sea.so/job/tenders-invitation-to-bids-tadamun-puntland-2/