Overview

Job Description

Ma doonaysa inaad shaqo hesho ama ganacsi abuurto!

SOS Children’s Village Somaliland waa Hay’ad caalami ah kana shaqeysa horumarinta arrimaha bulshada – daryeelka caruurta waayey daryeelkii waalidnimo ama khatar ugu jira in ay waayaan.

SOS CV waxay Kobcin iyo Tababaro lagu xoojinaaya Awoodooda xagga wax soo saarka u samaysaa qoysaska aan awoodin inay caruurtooda siiyaan daryeelkii ay u baahnaayeed.

SOS CV waxay sare u qaadeysaa xuquuqda caruurta iyo dhalinyarta waxa ayna ku howlantahay ilaalinta xuquuqdooda. SOS Childrens’ Village Somaliland, sidoo kale waxa ay magaalada Hargeisa ka fulinaysaa barnaamijka loogu magac daray “ The next Economy” oo ah barnaamij shaqo abuur iyo shaqo raadis oo lagu tala galay dhalinyarta aan shaqeeynin misna dhameesatay heerarka wax barasho sida, Dugsiga farsamada gacanta, dugsi dhexe/sare, iyo dhalinyarta dhigata ama dhammeesaty waxbarasho jaamacadda.

Haydaha SOS Children’s Village Somaliland, waxa ay fulinaysaa mashruuca “The next Economy” iyaga oo tababaro siinaya dhalinyarta caqabaduhu ka heystaan in ay ku xidhmaan suuqyada shaqada ama u baahan in laga caawiyo si ay shaqo fiican u helaan ama ay u bilaaban lahaayeen ganacsigooda gaarka ah.

Haydaha SOS Children’s Village Somaliland, waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan dhalinyarada reer Somaliland, gaar ahaan dhalinyarta ku nool Magaalada Hargeisa in uu billaabanayo mashruuca “The next Economy” oo dhalinyarta ka taageeridoona dhinacyada shaqo abuurka iyaga oo qaadandoona tababaro kaladuwan muddo sedax biilood ah ugu yaraan oo ku saabsan,

  1. Sida loo Samaysto/abuurto- Ganacsi
  2. Sida loo raadiyo loona helo shaqo wanaagsan – Shirkadaha ganacisga, dawlada, hayadaha maxaliga, iyo hayadaha caalamiga.

Sannadkan 2021 waxaa la qaadanayaa tiro gaadhaysa 100 ( gabdho iyo Willal).

Shuruudaha laga Rabo Dhalinyarada soo codsanaysa waa sidan hoos ku xusan:

  1. Dada: 15 – 35 Sanno
  2. HeerkaWaxbarasho:
  1. Dugsi farsamada gacanta dhamaystay
  2. Jaamacadda dhamaystay
  3. Waa in uu yahay qof u heellan in uu shaqo helo ama uu abuurto isagu
  4. Waa inuu yahay qof ka bad qaba noocyada kaladuwan ee balwadaha
  5. Waa in aanu shaqaynin wakhti xaadirkan.

Haddii aad danaynayso Fursadaan fadlan Soo dir Codsi (Application iyo Tariikhada Nolaleedkaaga (CV), adiga oo ku soo diraya E-mail ka next.economy@sos-somaliland.org ama waxaad ku soo hagaagisaa xafiiska Haayada SOS oo dhinaca hawd kaga began Waaxda Degmada Ibrahim Koodbur. inta ka horaysa 10 February 2021.