Overview

Iibiye (Salesperson) – Bacaadweyn

Magaca booskaIibiye (Salesperson)XaruntaBacaadweyn
La dhejiyay25/04/2020Ugudanbayn08/05/2020
Tirada boosaska1 (Hal boos)
Fiiro gaar ah:Dhammaan ciddii danaynaysa inay u tartanto booska kor ku xusan waxaa laga doonayaa inay keento Taariikh-nololeedka (CV) oo faahfaahsan isla markaana dhawaantan la qoray. Waxaa lagu soo hagaajinayaa codsiyada oo lagu soo xoojiyay koobiyada shahaadooyinka iyo cadaymaha Xarunta Bacaadwayn. Wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaas darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original), laakiin waa inaad usoo qaadataawaraysiga(Interview) si hadii loo baahdo aad usoo bandhigto.

 

Shirkada isgaarsiinta Golis waxay raadinaysaa hal qof  oo ku shaqeeya Iibiye (Salesperson) Xarunta Golis Bacaadwayn.

Qofka soo dalban kara booskan waa inuu ku sifoobay daacadnimo, hawlkarnimo isla markaana leh dulqaad iyo dabeecad wanaagsan.

Shuruudaha laga doonayo waa sidan:

  1.   Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado Jaamacadeed oo la aqoonsan yahay.
  2.   Hadii   uu   haysto   shahaado   Computer-ka  iyo   Xisaabaadka waxay u noqonaysaa tixgelin dheeriya.
  3.   Waa inuu leeyahay khibrad wax iibineed iyo qancin macaamiil.
  4.   Waa inuu ku fiican yahay qoridda warbixinnada soomaaliga iyo ingiriiska.
  5.   Waa inuu san haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  6.   Waa inuu yahay qof ammaannada ku sifaysan.
  7.   Waa in uu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
  8.   Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
  9.   Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo ka mid ah xarumaha Golis.

Waaxda Shaqada & Shaqaalaha

Golis Human Resource Department                                                HR@GOLIS.SO